Muwaadin laba-sanadood u xidhnaa fikirkiisa  oo uu cabiray  manta xoriyadiisii dib u helay

Burco (berberanews) Laba Sano ka dib waxa maanta xorriydiisii dib u helay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir oo ka mid ahaa shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa.
download
Aqoonyahanka ayaa xadhig ku mutaystay, ka dib markii uu aragtidiisa u cabiray Qalin, kaas oo xukun lagu riday.
 
Ma cada ilaa hada qaabka loo sii daayay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir, hasayeeshee waxa uu bilihii ugu dambeeyay ku jiray Xabsi ku yaala Magaaladda Burco.
 
Xukuumada Kulmiye ayaa culays ku haysa dadka aragtidooda cabira, mana aha qofkii ugu horeeyay ee arrimo caynkaas ah loo xidho, waxaase ka horeeyay shakhsiyaad kala duwan iyada oo dhinaca kalena ay Weli u xayiran Yihiin Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal.