Natiijo hor dhac ah oo kasoo baxaysa doorashadii Ingiriiska

UK (berberanews)-Warbixin hordhac ah oo laga helayo doorashadii guud ee ka dhacday Ingiriiska ayaa muujinaysa inuu ku horeeyo xisbiga taladaha haya ee muxaafidka ah ee uu ka tirsan yahay R/wasaare David Cameroon.
28710D3400000578-3072601-image-a-7_1431067106286-465x400
Wararkaan oo ay baahinayaan warbaahinta Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in xisbiga R/wasaare Cameroon uu helay illaa hadda 316 kursi halka xisbiga sida weyn ula tartamaya ee Shaqaaluhuna helay 239 kursi.
Sargaalka ka tirsan xisbiga talada haya oo la yiraahdo Michel Gove ayaa warbaahinta u sheegay in tani ay ka dhigantahay in David Cameroon uu xilka sii heyn doono.
Natiijadaan willi gudiga doorashadu si rasmi ah ugama dhawaaqin hase ahaatee maanta galinka dambe ayaa lagu dhawaaqi doonaa natiijadda kama dambeysta ah.
In ka badan 65 million oo ruux ayaa codkooda ka dhiibtay 50, 000 o xarumood oo loo diyaarshay maalintii shalay.