Libiya(berberanews)-Ciidamada badda dalka Libya ayaa qabtay in ka badan 600 ruux oo tahriibayaal Soomaali ku jirto oo doonayay inay doonyo raacaan oo ay Talyaaniga tagaan.
Afhayeenka ciidamada badda Libya Max’ed Al-Qawaali ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in tahriibayaasha la qabtay oo African u badan ay ku jiraan haween xamiilo ah iyo caruur yarar waxaana uu xusay in xilliga la qabanayay ay isku diyaarinayeen inay raacaan doonyo yar yar oo nooca kaluumaysiga ah.
Afhayeenkaan waxaa uu sheegay in dadka la qabtay oo 600 oo ruux ka badan ay badankood u kala dhasheen wadamada Soomaaliya, Eritrea, Mali iyo Ghanna.
“Ciidamadu waxay ka hortageen masiibo weyn waxaana ay qabteen tahriibayaal naftooda haligayay oo doonayay inay raacaan doonyo kaluumaysi” ayuu yiri sargaalka u hadlay ciidamada badda Libya.
Dadkaan waxaa laga qabtay magaalo la yiraahdo Sabratha oo ku taala galbeedka magaalada caasimad ah ee Tripoli.
Sanadkaan qiyaastii kun ruux ayaa la aaminsanyahay inay ku naf waayeen badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga kadib markii ay ciladoobeen doonyihii ay la socdeen.
Dalka Libya waa marinka tahriibayaasha doonaya inay mar uun tagaan qaaradda Yurub si ay nolol u samaystaan hase ahaatee dhibaato adag ayay haddana la kulmaan.