Gaalkacayo (berberanews)-Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo ka tirsanaa golaha Wakiilada ee Puntland ayaa fiidnimadii Jimacada ee maanta lagu diley magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaanka ayaa la diley isaga oo ka soo baxay salaadii makhrib
masjidkii uu ku tukadey oo lagu magacaabo Abu-hureyra.
Waxaa wararku sheegayaan in Xildhibaanka lala diley qof kale oo waardiyihiisi ahaa.
Kuwa dilka geystey oo rasaas iyo bombada gacanta adeegsadey ayaa markiiba gaari ku baxsadey sida ay warbaahinta u sheegeen goobjogayaal.
Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ayaa laga soo doortaa gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Burtinle.
Ma jirto cid durbadiiba sheegatey dilkan oo dhacay saacado ka hor, waxaase Madaxweyne ku-xigeenka Puntland sheegey in ay ku tuhmayaan in al-Shabaab ka danbeeyaan dilka Xildhibaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Camey ayaa ku sugan magalada Galkacyo isaga oo safar diyaradeed kaga yimid magaalada Kismaayo.
Dheagsyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadley tacsina ka direy dilka Xildhibaanka
Waa Xildhibaanki u horeeyey ee Puntland gudaheeda lagu dilo tan iyo markii uu xilka la wareegay Dr Cabdiweli Cali Gaas, bishii hore ee Abril ayaa al-Shabaab sheegteen dil loogu geystey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo arrimo caafimaad u joogey Muqdisho.