US (berberanews)-Musharaxa xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan dalka Maraykanka oo khadka isgaadhisiinta uu kula xidhiidhay wariye ka tirsan Cabays Media,
ayaa si baan u ga soo horjeestay heeshka uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe sheegay in uu la qaatay xisbiga Kulmiye in doorashada dib loo dhigo mudo sanad iyo shan bilood ah.
“Wax wada tashi ah oo xisbigu ka yeeshay iyo meel uu Gudoomiye Faysal xisbiga kala hadlay ma jiro, mana ah wax aanu aqbalayno” Sidaa waxa yidhi musharax Jamaal oo sheegay in aan lagala tashan, isla markaana aanu ogolayn arinkaas.
Waxa uu intaas ku daray musharaxa UCID oo yidhi “Anigu halkan Maraykan ayaan joogaa, cid igala hadashay iyo cid igu soo wargalisay ma jirto arinkan, mida kale aniga iyo C/rashiid Xasan Mataan waxaanu nahay musharixiin arintani toos u saamaynayso, mana jirto wax la naga ogeysiiyey..”
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo aanu weydiinay waxa ay yeelayaan ayaa ku jawaabay “Horta gudoomiye Faysal qadarin ayuu naga mudan yahay oo waa gudoomiyahaygii, laakiin isaguna xaq nooguma laha in uu iska gaadho go’aan xisbigu wada lee yahay oo ay tahay in laga wada tashado, la isla eego waxa dan ugu jira qarankan Somaliland oo mudnaanta leh, anagu markaanu eegany go’aanka noocaas ah ee aan talo xisbi ku iman aqbalimanyo”
Musharaxa xisbiga UCID oo sidoo kale la weydiiyey in ay la xidhiidheen gudoomiyaha markii warkani soo baxay, waxa uu sheegay in uu jiro wada kulan ay lee yihiin madaxda xisbiga, odayada xisbiga iyo musharax C/rashiid Xasan Mataan oo lagula kulamayo gudoomiye Faysal si loogu sheego go’aanka uu gooni ku qaatay aanu ahayn mid xisbigu ku raacsan yahay.
“Gudoomiye Faysal wuu lee yahay talo odaytinimo haddii uu bixinayo, laakiin go’aan xisbi oo heerkaa ah waa mid looga fadhiyo in uu xisbiga la tashado” Sidaa waxa sidoo kale yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in ay qadarinayaan shaqsiyada Faysal, laakiin go’aanka uu qaatay aanay ku raacsanayn.
Diidmada uu musharax Jamaal Cali Xuseen diiday heshiiska uu gudoomiye Faysal sheegay in uu la qaatay xisbiga Kulmiye ayaa u muuqata mid hogaanka xisbigu isku wada raacsan yahay, isla markaana aad uga yaabisay musharxiinta xisbiga UCID la tashi la’aanyta uu go’aanka ku gaadhay gudoomiye Fayasal.
Dhanka kale Cabays Media oo xidhiidh la sameeyey qaar ka mid ah madaxda Yurub ee UCID ayaa sheegay in kulan u hogaanka UCID ee Somaliland ku sugan la yeesheen gudoomiye Faysal galabta oo si weyn uga doodeen go’aankiisa, lana filayo in gudoomiyaha 3aad ee UCID, Cali Guray uu shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo mowqifka xisbiga UCID iyo in aanay ku raacsanayn gudoomiye Faysal ka sheegi doono.
La soco warar wixii ka soo kordha arinkan UCID
Musharaxa xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan dalka Ma