Somalia-(Berberanews)-Al-shabaab ayaa manta gacata ku dhigay Dooni ku soo caarisay xeebaha Gobolada Dhexe Somaliya, oo ay la socdeen 13 nin oo dalka Iran u dhashay.
Raggan oo kalluumeysato ahaa, ayaa doonidoodii ku soo caariday xeebaha deegaanka Cige, ee duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Cige waxaa ka arrimiya Ururka Al Shabaab.
Ururka Al Shabaab, ayaa gacanta ku dhigay raggaasi iyo doonidii ay la socdeenba, waxaana la soo sheegayaa in caawa lagu haayo deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Lama garanaayo waxa ay Al Shabaab ka yeeli doonto 13-ka qof ee dalka Iran u dhashay balse Wariye-yaasha, ayaa waxay soo sheegayaan in dadka deegaanka ay isla dhex marayaan, in Shabaabku ay dili doonaan ajaaniibta ay gacanta ku dhigeen, haddii ayba ogaadaan inay Shiico yihiin.
Al Shabaab, ayaan wax war ah ka soo saarin nimanka u dhashay dalka Iran ee gacanta ku hayaan. Sidoo kalana waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Iran.
Berberanews.com