Dhul-gariir kale oo ku dhuftay Nepal

Bbc-(Berberanews)-Kumanaan ku nool caasimadda Nepal ee Kathamandu ayaa wadooyinka u soo baxay, kadib markii dhulgariir cusub oo xoog badan uu ku dhuftay wadanka.

Hay’ad cilmiga dhulka oo Mareykan ah ayaa baaritaankeeda ku sheegtay in cabirka dhulgariirku ahaa 7.4 iyadoo dhulgariirkii bishii hore ka dhacay wadanka uu ahaa 7.8.150508123250_nepal_earthquake_512x288_bbc_nocredit

Dhulgariirka ayey ubucdiisu aheyd inta u dhexeysa Kathmandu iyo buuraha Everest, wuxuuna socday labo daqiiqadood. Gariirka ayaa sidoo kale laga dareemay India iyadoo dhismooyin ku yaal Delhi ay ruxmeen. Ma jiraan wax qasaare nafeed ah oo la soo sheegay.