Maamulaha kooxda Swansea City, Garry Monk, ayaa sheegay in ay sadexda dhibcood ka qaateen kooxda Arsenal cayaartoodii xalay, wuxuu u jawaabayay tababaraha Arsenal, Arsena Wenger oo ku eedeeyay kooxda Swansea in aysan cayaar la imaan ee ay difaac uun ku jireen.
Cayaarta oo 1-0 ku dhamaatay ayey ku badisay kooxda Swansea. Taas oo keentay in Aresnal ay dib uga dhacdo kaalinta 2-aad oo kooxda Manchester City ay hadda ku jirto, inkastoo Arsenal ay cayaar u dhiman tahay, hadana kulankooda soo socda hadii ay ka badiyaan Manchester United, wali goolal ayaa la dheeraanayaa Arsenal.
Bafetimbi Gomis ayaa waqtigii ugu dambeeyay gool madaxa ah ka dhaliyay Arsenal kaddib cadaadis aan kala go’ lahayn oo kaga imanayay Arsenal.
Wenger wuxuu yiri “waxa ay ahayd nasiib darro nala soo deristay, iyadoo kooxda aan la cayaaraynay ay difaac isaga jirtay.
Goolhayaha Swansea, Lukasz Fabianski, ayaa fursado dhowr ah ka badbaadiyay kooxdiisii hore ee Arsenal.
Waxay ahayd guuldaradii ugu horaysay ee Arsenal oo aan marnaba laga badin 11 cayaar oo ay yeesheen, iyagoo hadda 3 dhibcood ka hooseeya Man United.
Waxaan aad u kala fogayn kooxaha ku loolamaya tartanka afarta ugu saraysay ee u gudbaya tartanka Europe ee Champions League. Waxay kala yihiin Arsenal, Man U, Liverpool iyo Southampton, kadibna Swansea, iyadoo kooxdan ay sidoo kale ku dadaalayso in aanay dhinaca kalena ka harin kaalinta 8 ee ay hadda ku jirto oo u saamaxaysa in aysan tartanka Euefa Cup ee Yurub ka hadhin.