Shacabka reer Bosaso oo martigeliyay Qaxoonti ka soo yaacay dagaallada Yemen

Bosaso-(Berberanews)-Dadkii ugu badnaa ee ka soo carara dagaalada dalka Yemen, ayaa waxay maanta soo gaadheen Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dadkan oo la socday dooni ganacsi, ayaa waxay ka soo amba baxeen Dekeda Magaalada Mukalla, xilli ay isaga kala yimaadeen Magaalooyinka Sanca, Cadan iyo Ticis.

Dadkan oo Soomaali u badan, ayaa waxaa la socdo tiro Yemeniyiin iyo Itoobiyaan ah, oo uu saamayn weyn ku yeeshay dagaalka ka holcaaya Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland iyo Saraakiisha Hay’adda UNHCR, ayaa dadkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Dekeda Boosaaso, waxaana qaarkood la geeyay xeryaha, halka intii kalana ay taageero u fidiyen shacabka reer Boosaaso, kuwaa oo guryahooda u kaxeeyay.

Dekeda Boosaaso, ayaa waxaa soo gaadhay dad gaadhaaya 5,083 qof, tan iyo markii ay dadku bilaabeen inay u soo cararaan xeebaha deegaanada Puntland.