W/Kuuriya:Xukuumad Wasiirkeedii Difaaca Lidka Diyaaradaha Ku Dishay

W/kuriya (berberanews)-Wasiirkii difaaca ee waqooyiga Kuuriya Hyon Yong-chol ayaa loo dilay in aanu daacad u ahayn oo uuna ixtiraamin hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un, waxaa sidaasi baarlamaanka u sheegay laanta sirdoonka ee dalkaasi.
150513040345_north_korea_hyon_yong_chol_512x288_afp_nocredit
Xildhibaanada waxaa loo sheegay in Hyon la dilay sodonkii bishii hore, laguna dhuftay lidka diyaaradaha isaga oo ay daawanayaan boqolaal qof, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Sirdoonku waxa ay sheegeen in uu wasiirka difaacu uu seexday intii lagu guda jiray kulan uu ka qaybgalayay Madaxwaynuhu isla markaasna aanu raacin tilmaamihii la siiyay.
Warkani waxa uu yimid todobaadyo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la toogtay 15 sargaal oo sarsare.
Dadkaa waxaa ka mid ahaa labo wasiir ku xigeen oo ka horyimid siyaasadaha madaxwaynaha iyo xubno ka tirsanaa fanka, sidasin waxaa sheegay Hay’adda Qaran ee sirdoonka dalkaasi.
 
Berberanews.com