Xukuumadda Somaliland Oo Xal U Raadineysa Mudo Kordhinta Asxaabta Mucaaradku Ka Biyo Diideen

Hargeysa(berberanews) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Saylici ayaa maanta sheegay in xisbiyada mucaaradka ah u furi doonaan wadahadal ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasiga ah ee billowday.
Saylici
Saylici ayaa sheegay in Bisha May 20, 2015 u cayimeen  wada tashi ay la yeelan doonaan xisbiyada mucaaradka, isla markaana ay iyagu gudahooda dhammeysanayaan wixii khilaaf ah ee jira.
 
Sidoo kale,waxa uu sheegay in beesha caalamka oo xalay kulan la yeesheen u sheegeen in aanay soo farogalin arrimaha dhexdoodda,isla markaana waxa kasta oo jira ay dhexdoodda dhamaysanayaan “Marka Somaliland nahay waxa inoo caado iyo dhaqan ah in mar kastaoo khilaaf yimaado inagu kaligeen dhamaysano oo aanan cid kale u baahan, Carrab iyo labadiisa daan baa is-qaniina mar walba khilaaf wuu imanay laakiin inaga ka wada hadlayna, marka khilaafkan siyaasiga ah ee ka bilaabmay muddo kordhinta anigoo ku hadlaya afka xukuumadda iyo afka xisbiga kulmiye waxaan shacabka u iclaaminayaa in xisbiyada u furayno wada hadal, marka aanu ka baxno u diyaar garowga maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 MAY ina dhaafto aanu gogosha furayno,  laba cisho ka dib bishan Labaatankeedda u fidinaynaa gogol iyo wada hadal”.
 
Mar uu ka hadlayey go’aanka golaha Guurtidda waxa uu yidhi “Waxa aan  idin sheegayaa in golaha Guurtidu yahay hay’ad dastooriya oo aan cidna kala tashan go’aankeeda, xukuumadda iyo cid kale toona kalama tashato, markii ay xisbiyada iyo cidda khuseyso la tashatay ayey go’aan gaadheen, marka haddii khilaaf arrintaasi ka dhashay waxaan ogolnahay in aanu wada tashi qaran iskugu nimaadno marka laba cisho ee dabaaldugu inaga dhamaato”.
 
Mar la waydiiyey inay iyagu dabadda ka riixayeen muddo kordhinta waxa uu yidhi “dib u dhaca ku yimid doorashadda maaha mid aanu anagu ka masuul nahay ee waa mid farsamo oo la eegayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maadaama oo la doonayo in hal cod iyo hal qof noqdo”.
 
Mar uu la hadlayay Beesha Caalamka ayuu yidhi “Beesha Caalamka Waanu uga Mahad-naqayna wada shaqaynta naga dhexeysa, laakin arrimaha noo gaar ah waa mid aanu anagu ognahay dantayada iyo duruuftayadda waxaana u sheegnay in hawlahayga dibadda ka joogaan oo aanu anagu dhamaysnayno”
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka aqballay, isla markaana ay kulmeen, haseyeeshee xisbiga WADDANI aanay wali la xidhiidhin, balse ay la kulmi doonaan.
 
Berberberanews.com