Cirro muxuu ka yidhi shirka wada-tashiga ee xukuummadu ku baaqday?

Hargaysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad Ka Ah Ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro,ayaa Caawa Soo Saaray War-murtiyeed uu kaga Dareen celinayo dhawaqii maanta ka soo yeedhay Xukuumadda Siilaanyo,kaas oo ahaa inay xukuumadda Siilaanyo wada tashi la yeelanayso labada xisbi mucaarada,Guddoomiye Cirro ayaa war-saxafadeedkiisa ku sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadalka ay xukuumadda Siilaanyo ku baqeen,war-murtiyeed uu soosaaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhignaa Sidan:-cirroWWW.jpg

 REF/XIS/WAD/XDH/2226/2015

                                    Tariikh:May 13,2015                                  War-Saxaafadeed 

Mabda Ahaan Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa  gogosha Wadahadalka iyo wadatashiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland fidiyey.

Waxa Xisbiga WADDANI aaminsanyahay inay Somaliland wax badani ugu hagaagayaan wadahadalKa marka loo eego marxalada maanta la marayo.

Qaabka loo gelayo wadatashiga  Qaran iyo ajandaha laga hadlaayo waxaanu  wadatashi kala gelaynaa  Xisbiga aanu mataanaha nahay ee mucaaradka ah ee UCID,haldoorka iyo talo-qabeenk Somaliland.

Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka  ee danaysa horumarka iyo dimuqradiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgalay  Somaliland waqtiga guddiga doorashooyinku cayimay ee 1 june, 2016

Madaxda  iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rajoweyn yihiin dal  iyo dibadba in  lagu Guulaysan doono wadahadaladaas.