ew York(Aftahannews):- Xoghayaha Qaramadda Midoobay Ban ki-Moon, ayaa sheegay inay socoto qorshihii Xafiis UNSOM leedahay looga furi lahaa Hargeysa, isla markaana qoraal dhinacyada ugu muhiimsan ee ay kala shaqeyn doonaan Somaliland u gudbiyeen.
Mr. ki-Moon oo Warbixinta afartii bilood ee sannadkan ka dhacay Somaliland iyo Soomaaliya u gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay burburkii ku yimi wada-xaajoodka u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana uu soo jeedinayo dhinacyadu inay dib u bilaabaan, shuruud la’aan wadahadallada dhawrka sano u socday ee bishii March ee sannadkan hakadka galay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay mar uu ka hadlayey qorshaha dib loogu furayo Xafiiskii UNSOM ee Somaliland, waxa uu yidhi; “Weli qorshihii wuu socdaa in dib looga furo Xafiiskii UNSOM ee Hargeysa. Waa loo gudbiyey qorshe-hawleedkii ugu muhiimsanaa dhinacayada ay kala shaqeynayaan.”
Sidoo kale Xoghayaha Qaramadda Midoobay, ayaa sheegay inuu soo jeedinayo dib u bilawga wada-xaajoodyadii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaa ka werwersan nahay burburkii ku yimi wada-xaajoodkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, una soo jeedinayaa in laga gudbo is-marin-waaga oo dib loo bilaabo wada-xaajoodka. Wakiilkayga gaarka ah ayaa kala socon doona Somaliland iyo Soomaaliya, tallaabada labaad ee looga gudbayo.”
Xigasho Wargeyska Himilo.