HARGEYSA:Laba Askari Oo Ku Dhintay Shaqaaqo Ka Dhalatay Muran Dhul La Isku Haystay

Hargeysa (berberanews) – Alle u naxariistee laba askari oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee Somaliland ayaa dhintay xalay, halka mid kalena uu dhaawacmay, ka dib markii is-rasaaseyni dhex martay dablay hubaysan oo ilaalo ka ahaa dhul ku yaalla agagaarka buurta Kala jeexan ee galbeedka Magaalada Hargeysa.
images (2)
Ciidamada booliska ee labada askari ka dhinteen ayaa halkaasi u tagey inay dhulkaasi oo lagu muransan yahay ay ku wareejiyaan mid ka mid ah labada qoys ee isku haysta, laakiin rag hubaysan oo ka socday qoyska laga wareejinayey oo halkaasi ku sugnaa ayaa is-rasaaseyni dhex martay ciidanka, taasi oo keentay dhimashada labada askari iyo dhaawaca askari kale.
 
Labada askari oo iyaga oo dhaawac ah xalay la geeyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa ku qudh baxay gudaha Cisbitaalka, sida sida loo xaqiijiyey Warbaahinta  Berberanews
Dhulkan murankiisa ay labada askari ku dhinteen ayaa la sheegay in muddo dheer ay isku haysteen laba qoys,  laakiin guddoomiyihii xilka laga qaadey ee Maxkamadda sare ayaa toddobaadkiisii u dambeeyay dhulkaasi ka xukumay qoyska ay ka socdeen ragga laayey labada askari.
 
Berberanews.com