Hoggaamiyaha Daacish oo markii ugu horeysay soodiray cajalad dhageysiya wixii ka dambeeyay dhaawiciisa

Hoggaamiyaha kooxda Dawladda Islaamiga ah ee Daacish Abubakar Al-Baqdaadi ayaa markii ugu horeysy soo hadlay tan iyo markii uu soo gaaray dhaawac xoogan oo uga yimid duqeyn diyaaradeed xilli uu ku sugnaa xuduuda u dhaxeysa Ciraaq iyo Suuriya.
albaqdadi
Abubakar Al-baqdadi ayaa cajalada uu soo duubay waxa uu uga codsaday dhammaanba shucuubta Islaamka inay ku soo biiraan kooxda Daacish.
Hoggaamiyaha Daacish ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalada ay ku xoreynayaan wadamada Muslimka, isaga oo digniin u diray dowladaha Carabta ee taageerada wax uu ugu yeedhay cadowga Gaalada ah.
“Dalalka Islaamka waxaan ugu baaqayaa inay nagu soo biiraan” ayuu yidhi Abubakar Al-baqdadi oo sheegay in halganka ay ka wadaan caalamka uu yahay mid sax ah oo lagula dagaalamayo Gaalada.
Hoggaamiyaha Daacish ayaa codkiisa soo duubay in ka badan shan billood oo uu dhaawac ahaa, iyada oo la sheegay in hoggaamiyuhu noqday naafo cuuryaan ah, kaddib markii duqeymaha cirka ay ka heleeleen xubnaha muhiimka u ah dhaqdhaqaaqa jidhkiisa.
Dhinaca kale khudbadda hoggaamiyaha ISIS ayaa ahayd mid la duubay hal toddobaad kahor, isla markaana aan la socon xilliga la soo saaray, ayay sheegay khubarada in codkani uu yahay kii Abubakar Al-Baqdadi.