Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo gaadhay magaalada Boorama-Daawo

Boorama(Berberanews):-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa booqasho ku tegay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu kaga qaybgeli doono Dabbaal-degga 24-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey markii uu gaadhay magaalada Boorama, waxaanay dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiinta laamaha dawladda ee heer gobol iyo degmo kaga horyimaaddeen meel ka baxsan gudaha magaalada, iyagoo u gelbiyey illaa gudaha Boorama.

Dadweynaha iyo Masuuliyiinta ayuu Madaxweyne Ku-xigeenku uga mahad-celiyey soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo sida weyn ee ay ugu qaabbileen magaalada Boorama. Waxaannu Warbixinta Warkaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo Wanaagsan:-