Maxamad Mursi oo xukun dil ah lagu xukumay

Bbc-(Berberanews)-Maxkamad ku taala Masar ayaa xukun dil ah ku xukuntay madaxwaynihii hore ee Masar Maxamad Mursi.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkaas loogu fuliyay kaalintii uu ku lahaa maxaabiis xabsi laga siidaayay 2011.

Hogaamiyahii ka horeeyay ee Xusni Mubarak waxa horay 20 sano oo xadhig ah loogu xukumay in uu amray in la xidho oo la jir dilo mudaaharaadayaal intii uu xilka hayay.

Hay’addaha diimaha ee dalka ayay hadda tahay in ay sheegaan waxa ay xukunkaasi ka qabaan inta aan dilkaasi la fulinin.Maxamed-Mursi-300x200

Mursi waxaa xilka ka tuuray millitariga bishii 7 ee sanadkii 2013-kii, arrintaas oo dabo socotay mudaaharaadyo balaadhnaa oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa.

Intaas wixii ka dambeeyay xukuumaddu waxa ay mamnuucday dhaqdhaqaaqa Muslimiinta walaalawday ama Ikhwaanul muslimiin waxaana la xidhay kumanaan ka mid ah taageerayaashooda.

Ururka Ikhwaanul muslimiin ayaa go’aanaka maxkamadda ku tilmaamay wax lagu qoslo.

Berberanews.com

info@berberanews.com