Nuxurka baaq xisbiga Wadani u diray beesha caalamka

War-saxaafaddeedka ayaa lagu yidhi: Xisbiga WADDANI wuxuu Soo dhaweynayaa Tageerada Beesha Caalamka ee dhinacyada badan eekala ah.

1.      Taageerada Iyo Is-Kaashiga Dhinac Amniga

2.      Taageerada dhinaca  horumarka

3.      Taageerada dhinaca shaqo-abuurka

4.      Taageerada dhinaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda si loo xaqiijiyo doorashooyin xor oo xalaal ah  oo xiligooda ku dhaca.

Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay  in dawg keliya ee loo mari karo hiigsiga  shacabka Somaliland ee aqoonsigu uu yahay la-macaamilka iskaashiga hufan iyo xidhiidhka suubban ee lala yeesho Beesha Caalamka,Xisbiga WADDANI wuxuu ka soo hor-jeedaa takooridda Somaliland laga takoorayo Beesha Caalmkaa.

Xisbiga WADDANI wuxuu soo dhayaweynayaa dedaalka iyo fududaynta ay Beesha Caalamku ku hollinayso  in xiisadaha iyo muranada siyaasadeed ee oogan lagu maareeyo wada-hadal, xiisadan siyaasadeed  ee taagani waa mid ka dhalatay muddo-kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiilada ee dhammayd 21ka bilood,taas oo xilliga doorashooyinka u riixday Maaj 2017.

Golaha Guurtidu wuxuu dhegaha ka furaystay talo-bixintii Xisbiyada mucaaradka ah iyo dareemmadii dadweynuhu ku taageerayeen soo –jeedintii Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku cayimeen maalinta ay qaban karayaan doorashooyinka oo ku suntan  1 June 2016ka,xisbiga WADDANI ma arko kumana qanacsana in loo bahan yahay 10 bilood oo lagu kordhiyo muddada farsamo  ee sanadka ah  ee ay Guddida Doorashooyinku cayimeen.

Xisbiga WADDANI wuxuu aad u danaynayaa wada-hadallada  iyo gogosha  uu ku baaqay Madaxweyne ku-xigeenku,waxaanu Xisbigu Oggol yahay in laga wada-haddllo xiliga doorashada la qabanaayo iyo muddo-kordhintii Golaha Guurtidu jideeyay.

Xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato dedaal kasta oo lagu raadinayo samaha  iyo horumarka Somaliland, Xisbiga WADDANI wuxuu  qadarin doonaa baaqii Beesha Caalamka  ee 13 May-2015 iyo wada haddalladii dhex maray Wakiilka EU-da  iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ee Somaliland  11-13 May 2015ka,ugu dambayntii Xisbiga WADDANI  wuxuu Aad u qaddarinayaa taageeradaa niyad-samida ah  oo saamayn togan ku leh  geeddi –socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Allla Mahad Leh

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro