War Deg Dega: Weftigii Somaliland ee wada-hadalka Maalgelinta dekedda oo Hungo la soo huleelay

Dubai-(Berberanews)-Weftigii xukuumadda Somaliland u dirtay magaalo-madaxda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka ee Dubai, ayaa u hungoobay inay wax natiijo ah ka soo hooyaan kulankii dhexmaray Shirkadda PLO iyo DP world oo maamusha dekedda weyn ee Jabaal al Cali.

Weftigan oo ka koobnaa afar wasiir oo uu weheliyo Maareeyaha dekedda Berbera, ayaa ujeedada safakoodu salka ku haysay sidii maalgelin loogu heli lahaa marsada Berbera ee istaraatajiga ah, ayaa maanta kulanla yeeshay madaxda shirkaddaas, haseyeeshee uu kulankaasi ku dhammaaday is-afgaran waa lagu kala kacay, ka dib markii sida ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankan oo ku sugan Dubai u xaqiijiyeen Berberanews, ay maamulka shirkadda DP world ku adkaysteen inaanay wax heshiis ah la geli Karin masuulliyiinta Somaliland, sidaas daraadeedna uu heshiisku suurtageli karo uun haddii uu saxeexo Wasiirka Dekedaha Somalia.iyadoo weftiga Somaliland ka socdayna ay arrintaas ku gacansaydheen sidaanauu ku burburay kulankii labada dhinac.

Weftiga Somaliland waxay ka koobanyihiin, Wasiirka qorsheynta Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji-cali Xasan iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor)