Al-shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad aan duuliye wadin

Buurahakaba-(Berberanews)-Diyaarad aan la garanayn dalka laga lee yahay, ayaa waxay ku soo dhacday duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, iyadoo diyaaradaasi ay gacanta ku dhigtay Al Shabaab.

Diyaaradda oo ku soo dhacday inta u dhaxeyso Buurhakaba iyo deegaanka Buur Eyle, ayaa waxaa ku baxay dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, iyagoona si buuxdo ula wareegay.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa diyaaradda u qaaday deegaanka Buur Eyle, halkaasoo ay si buuxdo gacanta ugu hayaan, lamana garanaayo waxa ay diyaaraddu ka yeeli doonaan.

Dadka deegaanka, ayaa waxay isla dhex marayan in diyaaradaasi laga lee yahay dalka Mareykanka, isla-markaana ay ka qayb qaadaneysay basaasida uu Mareykanka ku haayo Al Shabaab.

drones1-500x271

Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Mareykanka uu shalay joojiyay in diyaaradahiisa ay ku socdaalan hawada dalka Somaliya, ka dib markii ay sheegeen in awoodda Al Shabaab ay weli tahay mid muuqato.