Roma-(Berberanews)-Ninkan oo lagu magacaabo Roberto Murolo, ayaa shalay afar qof ku dilay Magaalada Neples, oo dhacda Koonfurta Wadanka Talyaaniga.
Afarta qof ee uu dilay, ayaa waxay kala yihiin walaalkii, dumaashidii iyo laba qof oo rayid ah, oo middi la shaqayn jiray Ciidanka Booliska Magaalada Neples.
Ninkaasi, ayaa sidoo kale dhaawacay ugu yaraan shan qof oo kale, oo saddex ay shacab yihiin, iyadoo labada kalana la tilmaamay in Boolisku ay ka tirsan yihiin.
Intii uu soconaayay iska horimaad uu ninkaasi la galay Booliska, ayaa waxaa lagula xidhiidhay teleefankiisii gacanta, waxaana uu aqbalay in qorigu uu dhigo, isna soo dhiibo.
Booliska waxay sheegeen inaanay garanayn waxa ninkaasi oo 48 sano jir ah ku keenay inuu dilo walaalkii iyo xaaskiisii. Walaalkii waxaa la sheegay in 52 sano jir uu ahaa. Wuxuuna ku weeraray gurigii uu Neples ka deganaa.
Booliska, ayaa wada baadhitaanada ku saabsan waxa keenay inuu dil badheedh ah geysto, iyadoo baadhitaano xagga caafimaadka ahna lagu samayn doono, ka hor inta aan Isniinta Maxkamad la soo taagin.