Bujunbura(Berberanews):-Madaxweynaha waddanka Burundi ee Afgembiga Ciidan ka badbaaday Arbacadii toddobaadkii hore Mr. Pierre Nkurunziza, ayaa sheegay in dalkiisa ay halisi weyni kaga soo fool leedahay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya, maaddaama oo ay Burundi ku jirto waddamada Midawga Afrika ee Ciidammada AMISOM ka joogaan Soomaaliya ee dagaalka kula jira Kooxdaas.
Madaxweyne Nkurunziza, ayaa markii u horreysay la hadlay Warbaahinta caalamiga ah tan iyo markii uu dhacay afgembigii fashilmay ee la doonaayay in dawladdiisa lagu rido toddobaadkii hore. Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo Caasimadda Bujumbura ka hadlay, waxa uu si kooban uga hadlay halista Burundi, Kenya iyo Uganda ka haysata ururka Al-shabaab, waxa uuna qiray in ay jirto halis al-Shabaab.
Weriyaha BBC-da ee halkaasi ku sugan waxa uu sheegayaa in madaxweynuhu uusan marna soo hadal qaadin, Afgembiga iyo qalalaasaha hadda dalkiisa ka taagan. Ka dib markii u la hadlay Saxaafadda, waxa uu raacay kolonyo baabuur ah oo aad loo ilaalinayay.
Dadka ka soo horjeeda waxa ay ku baaqayaan in dibad baxyadu ay sii socdaan, kuwaas oo looga soo horjeedo qorshaha uu ku doono in uu mar sedaxaad isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha. Doorashooyiinka dalkaasi ayaa la qorsheeyay in ay dhacaan dhammaadka bisha soo socoto.
Xigasho BBCSomali.com.