Alshabaab oo ka Hadashay Xiisada Dalka Burundi

Somaliya (berberanews) Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay xaalada dalka Burundi oo dhawaan uu ku fashilmay isku day la doonayay in lagu afgambiyo madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza.
download
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in wali uu jiro khalalaase ka socda dalka Burundi, wuxuuna intaa ku daray in shacabka dalkaas ay iska dulqaadayaan wax uu yeeray kaligii taliye xoog ku heysta talada dalkaas.
Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bujumbura ayaa sheegay in dalkiisa ay halis kaga soo wajahan tahay Xarakada al-Shabaab ee Soomaaliya ayna ka hor tagayaan.
Sheekh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay warka kasoo yeeray madaxweynaha Burundi ee inqilaabka ka badbaaday inuu yahay mid uu ku doonayo inuu ku dajiyo shacabka Burundi ee kacdoonka wada.
“Warka kasoo yeeray madaxweynaha Burundi waa isku day lagu doonayo in lagu dajiyo shacabka kacdoonsan ee waddooyinka isugusoo baxay, waana isku day kale oo lagu doonayo in indhaha caalamka looga leexiyo falal aargoosi wadareed ah oo xukuumaddu qorshaynayso” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya shan kun oo askari kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada midowga afrika AMISOM ee taageeraya dowlada Somalia, dhinaca kalena dagaal kula jira xoogaga Al-shabaab ee diidan jiritaanka dowlada Somalia.