K/afrika (berberanews) Ciidamada Booliska Dowladda Koofur Afrika ayaa 48-dii saac ee la soo dhaafay howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen magaalooyin dalkaasi ku yaala waxay ku qabqabteen ku dhowaad afar kun qof oo lagu eedeeyay inay dalkaasi sharci darro ku joogeen.
Dadka la xidhxidhay oo u badan Afrikaan ayaa la sheegayaa in qaarkood la soo qabtay iyagoo ku sugan goobo ay ku ganacsanayeen.
Saraakiisha Booliska Uganda ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid weyn oo lagu xoojinayo ammaanka dalka Koofur Afrika, isla markaana dalka looga saarayo soo galootida sharci darrada ku jooga dalkaasi.
Dhinaca kale Booliska K/Afrika ayaa sheegay in baaritaano ay ku sameeyeen dadka faraha badan oo ay xabsiga dhigeen 1,650-qof ay sharci darro ku joogeen dalkaasi, kuwaasi oo iminka dhowaan dowladdu go’aan ka gaareyso sidii ay ka yeeli lahayd.
Howlgalada ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan la xaliyay rabshado dalkaasi gilgilay oo dhex maray muwaadiniinta Koofur Afrika iyo ajaanibta dalkaasi degan, kaddib boqorka Zuluga uu ku dhawaaqay in dalka laga saaro soo galootida.