Berbera(Berberanews):-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo ay weheliyaan Masuuliyiinta heer gobol, degmo iyo heer Qaran, ayaa Maanta si weyn u oogay dabbaal-degga 18-ka May ee maalinta gooni-isu-taagga Somaliland lagu dhawaaqay oo sannadkan la xusay 24-guurada ka soo wareegtay, taasoo ay si weyn uga wada qayb-qaateen dadweynaha reer Berbera.
Dadweynaha ayaa ku labbisnaa Dhar ka tolan Astaanka Somaliland ee Calanka, halka in badan oo ka tirsani lulayeen Calanka, qaarna kuba soo xardheen xubnaha Jidhkooda midabbada Caddaanka, Casaanka iyo Cagaarka ah ee Calanku ka kooban yahay.
Kuwaasoo socod lug ah iyo gaadiid lagu sharraxay calanka ku marayay waddooyinka kala duwan ee magaalada Berbera, markii dambana isugu soo biyo-shubtay Fagaaraha Khayriyada Berbera oo ay Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda iyo Maamullada degmada iyo gobolku khudbado ku saabsan 18-ka May iyo sidii ay ku timi uga jeediyeen.
Warbixinta Warkan sida Berbera looga xusay 18-ka May waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-