Boorame (berberanews)-Magaalada Boorame ee Xarumta Gobolka Awdal ayaa, maanta lagu qabtey Munaasibad Balaadhan oo lagu xusayo Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May taas oo ay wadajir uga soo wada qeyb galeen Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan-Ciro oo labaduba la wadaageen Reer Boorame Xuskan, waxa kale oo Munaasibadan goob joog ka ahaa Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Muxumed Faarax,iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil.
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo khudabd gunaanad ah ka jeediyay munaasibadii Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland, ee 18ka may ee lagu qabtey Magaalada Boorame ayaa dardaaran culus u jeediyay dadweynaha Reer Boorame isagoo guud
ahaanba bulshada Reer Awdal ka dardaarey in aaney dib uga noqonin hurumarka iyo asaaska nabedgelyada ay seeska u dhigeen isagoo Tusaale ugu soo qaatey in Jaamacada Camuud-Universty ku muteysatey in ay noqoto Hurmuudkii Jaamacadaha Soomaaliyeed oo dhan.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),islamrkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo isaguna Xuska Munaasibadan kala qeyb galay Shacbiga Reer Boorame ayaa,mar kaliya ka dhawaajiyay shacbiga Reer Boorame kadib markii uu xuruufal cile ku tilmaamay mudo kordhintii dhawaan loo sameeyay Xukuumada.
HALKAN KA DAAWO
Berberanews.com