Koonfur Afrika oo bilowday mastaafuriska ajaanibka

K-Afrika-(Berberanews)-Xukuumadda Koofur Afrika ayaa dalkeeda ka masaafurisay, 400 oo qof oo u dhashay dalka Mozambic.

Arrintan waxaa lagu sheegay in ay tahay howlgal ka dhan ah ajaaniibta sharci darada ku joogta dalkaasi, waxayna arrintani dabo socotaa rabshado ka dhan ahaa dadka ajaaniibta ah oo dalkaasi ka dhacay.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weeraradaasi ajaaniib naceybka ku salaysnaa, hal qof oo ka mid ah dadkaasi waxa uu ahaa muwaadin Mozambic-yaan ah.150410103746_south_africa_xenophobia_afp_512x288_afp_nocredit

Weeraradii ugu badnaana waxa ay ka dheceen magaalooyiinka Durban iyo Johannesburg.

Dowladda Mozambic waxa ay sheegtay in ay la yaabtay masaafurinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mozambic ayaa sheegay in ay qorsheynayeen in ay la xaajoodaan dowladda Koonfur Afrika, laakiin taasi bedelkeeda shacabkooda la xidhxidhayo.

Xigasho Bbc