Hablo Soomaali Kenyaan ah oo Daacish ku biiray.

Kenya (berberanews) Wargayska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa lagu qoray in labo hablood oo kasoo jeeda Soomaalida Kenya inay ku biireen kooxda Daacish kadib markii ay u safreen dalka Syria.
lavn3zwpqfgtmdkf555a28f894f10
Wargayska waxaa uu sheegay in labada gabdhood oo magacyadooda lakala yidhaahdo Salwa C/lla iyo Tawfiiq Daahir ayaa la aaminsanyahay inay inay dalka Kenya ka baxeen Arbacadii hore waxaana ay ehelkooda kala soo xariireen dalka Syria halkaasoo ay sheegeen inay ku biireen ururka Daacish la yiraahdo.
Gabdhahaan oo saaxiibo ah ayaa ku noolaa xaafadda South C la yiraahdo ee magaalada Nairobi ku taala
Qof ehel u aha gabadha la yiraahdo Tawfiiq Daahir ayaa sheegay inay u sheegtay inay gudaha u gashay dalka Syria kadib markii ay ka gudubtay dhanka xaduuda Turkiga waxaana uu xusay inay sidoo kale u sheegtay inay dalka Syria u aaday si ay taleefoon cusub u soo iibsato.
Waalidiinta gabdhahaan Soomaali Kenyanka ah ee Daacish ku biiray ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya in gabdhahooda ay ahaayeen kuwo aqlaaq wanaagsan oo diinta ku wanaagsan.
Hooyada dhashay gabadha Tawfiiq Daahir la yiraahdo oo degen magaalada Mandheera ayaa sheegtay in gabadheeda ay si joogto ah ula hadli jirtay si ay xaaladeeda ula socoto hase ahaatee todobaadkaan ay xiriirkeeda waysay kadib markii uu telfoonkeeda damay.
Salwa C/lla ayaa maraysa sanadkeeda 2,aad ee jaamacada Nairobi ayaa qoyskeeda waxaa ay degen yihiin magaalada Gaarisa waxaana hooyadeed oo la yiraahdo Khadiijo C/lla ayaa sheegtay inay aad uga naxday marka ay maqashay warka ku saabsan in gabadheeda ay Syria u safartay kuna biirtay ururka Daacish.
Soomaali aan tiro yareyn oo gabdho u badan ayaa horey ugu biiray ururka Daacish gabdhaas badankoodna waxaa guursaday ajaanib dagaalamayaal ah.