QATAR: FIFA oo baadheysa xadhiga Suxufiyiin u shaqeeya BBC

QATAR(Berberanews)-Maamulka FIFA ciyaaraha kubada cagta ee adduunka ayaa sheegay inuu baarayo xadhiga ay ciidamada dawlada Qatar u geysteen afar suxufi oo u shaqeeya telefishinka BBC-da.
FIFA-Baaritaan-Qatar2022
Suxufiyiintan oo ay dawlada Qatar ku casuntay dalkeeda si ay u sameeyaan barnaamijyo la xadhiidha abaabulka dalkaasi ugu jiro diyaarinta xarunta lagu qaban doono ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2022.
Booliiska ayaa xabsiga dhigay hawlwadeenada BBC-da xili ay doonayeen inay wareysi ka qaadaan qaar kamid ah shaqaalaha kasoo jeeda dalka Nepal ee ah kuwa dhisa Istaadiyumyada laga dhisayo magaalada Dooxa.
Horey ayey u jireen cabashooyin kasoo baxaya shaqaalaha danyarta ah ee ka yimid dalalka Aasiya ee ka shaqeeya dhismaha ka socda xarunta dalka Qatar.
Mark Lobel oo ah suxufi kamid ah kuwa la xiray ayaa sheegay in xabsiga lagu hayey labo habeen, isla markaana ay u hanjabeen ciidamada Qatar.
Suxufiyiintan ayaa sheegay in aan weli loo soo celin qalabkii ay wateen.
Horey ayey u soo baxayeen warar sheegaya in si xun loola dhaqmo shaqaalaha dhisaya xarumaha ciyaaraha ee laga wado Qatar iyo waliba in wadankaasi si musuq maasuq ah ku helay marti gelinta Koobka Adduunka ee 2022, dhaliilahaasi oo keenay in warbaahinta caalamka si gaar ah isha ugu heyso diyaargarowga ka socda Qatar.