Puntland: Kooxo hubaysan oo dilay sarkaal

Boosaaso (Berberanews)- Kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan haybtooda, ayaa magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka nabad-sugidda ee maamulkaas maanta.
Boosaaso dil
Dablayda hubaysan oo la sheegay inay in muddo ah ku daba jireen saraalka ay dileen, ayaa baxsaday.
Falka lagu toogtay sarkaalka ka tirsan ciidanka ammaanka maamul-goboleedka Puntland, ayaa ka dhacay meel u dhow dekedda Boosaaso, iyagoo dablayda oo ku hubaysnaa baastoolado ay weerar gaadmo ah ku qaadeen, kadibna rasaas badan ku fureen.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah, ciidammada ammaanka ayaa wax yar kadib gaadhay goobta dilku ka dhacay, balse way ku guuldarraysteen inay gacanta ku dhigaan dablayda khaarajiyey sarkaalka ka tirsanaa nabad-sugidda Puntland.
Weerarrada lagu khaarajiyo saraakiisha iyo ciidammada maamulka Puntland, ayaa ku sii kordhaya magaalada Boosaaso, iyadoo falkan u dambeeyey ku beegmay xilli ciidanka maamulkaasi dagaal kula jiraan dagaalyahannada Al-shabaab ee fadhiisinka ku leh degaannada buuralayda Galgala.