Al-shabaab oo masaajido ku yaal Kenya ka Bilowday inay dadka Wacdiyaan

Nairobi (Berberanews)- Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab, ayaa gudaha u galay degaan ku yaal Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, kuwaasoo bilaabay inay dadka ka wacdiyaan masaajidada.
al_shabab
Sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool degaanka Ijaara oo ka tirsan Degmada Garisa ee dalka Kenya, saraakiil Al-shabaab ah, ayaa gudaha u galay masaajid xilli lagu jiray maqribnimadii habeenkii Arbacada, iyadoo saraakiishaasi muxaadaro diini ah u jeediyeen dadka ku cibaadaysanayey masaajidkaas.

Wargeyska The Standard ee kaa soo baxa magaalada Nairobi, ayaa qoray in saraakiisha Al-shabaab oo tiradoodu ahayn ilaa 25 xubnood ay muddo saacado ah haysteen degaanka Ijaara iyo masaajidada halkaas ku yaala, isla markaana ay dadka ku wargeliyeen inay ka qaybgalaan dagaalka ay kula jiraan dawladda Kenya.
Waxa kaloo ay dagaalyahannada Al-shabaab u sheegeen dadka ay muxaadarooyinka u jeediyeen in aanay doonayn in wax dhibaato ah u gaystaan dadka rayidka ah ee muslimka ah, balse cidda ay bartilmaameedsanayaan tahay masuuliyiinta dawladda Kenya iyo saraakiisha ciidankooda.
Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen warar sirdoon ah oo a xidhiidha in dagaalyahannada Al-shabaab oo ka koobnaa labo koox ay hadalo ka jeediyeen masaajido ku yaal degaanka Ijaara, isla markaana isku qaybiyeen kooxo dhinaca ammaanka u qaabilsan iyo xubno gudaha u galay masaajidada oo dadka la hadlay, iyadoo saraakiisha Kenya tibaaxeen in dagaalyahannada Al-shabaab uu hoggaaminayey masuul lagu magacaabo Mohamed Bilaal, kaasoo dowladda Kenya hore u shaacisay inay baadi-goobayaan.
Sarkaalka u hadlay Hay’adaha Ammaanka ee dalka Kenya waxa uu ku dooday in uu rumeysan yahay in dagaalyahannada Al-shabaab ee soo gaadhay Degmada Ijaara uu soo diray Sheekh Maxamed Kuna oo ah taliyaha Al-shabaab ee Goballada Jubbooyinka, kaasoo dowladda Kenya madaxiisa dul dhigtay lacag badan oo loo ballanqaaday in la siin doono cidkasta oo macluumaad ka keenta sheekhaas oo ku eedaysay inuu ka dambeeyey weerarkii ardayda badan ku dhinteen ee lagu qaaday Jaamacadda Garisa ee dalka Kenya.
Waxa kaloo la sheegay in dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan ay hore muxaadaro uga jeediyeen masaajidu ku yaal tuullooyinka Tumtish iyo Kabasaalo ee dalka Kenya, kuwaasoo u dhaw saldhigyo millatariga Kenya leeyahay.