DAACISH Oo Farriintii Ugu Horreysay Ee Afsomaliya Usoo Dirtay Xarakadda Al-Shabaab

Ciraaq (berberanews):- Baraha Internet-ka waxaa goor dhawayd lasoo dhigay farriin ka timi Dawladda Khilaafada Islaamiga kuna socota muslimiinta Soomaaliyeed. Taaasoo lagu farayo inay mideeyaan safka muslimiinta kuna soo biiraan Dawladda Khilaafada Islaamiga.
s111
Farriintan oo youtube-ka aan soo gelinay si ay daawashadeedu ugu fududaato bulshada ayaa soconaysa ku dhawaad Lix miridh, waxaana kasoo muuqanaya rag hubaysan oo wata baabuurta qaaliga ah ee raaxada, kuna sugan mid ka mida beeraha timirta ee gobolka Furaat ee dalka Ciraaq.
 
Raggan filimka kasoo muuqanaya ee farriinta diraya ayaa ah sida muuqata Soomaali ka tirsan IS, kuwaasoo wajiyadoodu toos u muuqanayaan, waxaanay Laba ka mid ahi raggaasi iska daba-marayaan farriintan oo ay kusoo jeedinayaan luuqadda Somaliga.
 
Farriintan ayaa ummadda Soomaaliyeed loogu sheegayaa inay leeyihiin dawlad iyo khilaafo Islaamiya oo sharaftooda ilaalinaysa, qoortana ka goynaysa ka goynaysa ayaa lagu yidhi kuwii idin dulmiyey ee cadaabka daran idin soo marsiiyey oo ah bay yidhaahdeen Itoobiyaanka iyo kuwa kale ee duullaanka ku ah dhulka Muslimiinta.
 
“Kuwa muwaxidiinta, run-sheegayaasha ee jooga dhulka Somaliya, kuwii u baxay inay diintooda taageeraan, waataa khilaafada Islaamiga ah idinku soo dhaw, ood u jeediin Nayjeeriya, Jasiiratul-carab, Yemen iyo Masar…” Ayaa lagu yidhi farriintan.
 
Sidoo kale farriintan ayaa lagu boorrinayaa muslimiinta Somaliya inay ka xanaajiyaan gaallada oo ay safka muslimiinta kuna biiraan Khilaafada Islaamiga “Waataad dareenteen dawaat-keeda iyo taageerideeda, kusoo dhawaada dawladdiina iyo khilaafadiina, ka xanaajiya cadawga muslimiinta oo mideeya safka muslimiinta..”
 
Waa markii ugu horreysay ee dawladda Khilaafada Islaamigu ay si gaar ah farriin ugu soo dirto ummadda Soomalaiyeed, waxaanay farriintani kusoo beegmaysaa xilli warbaahinta reer galbeedku ay beryahan saadaalinaysay dhaq-dhaqaaq ay ku midoobayaan Al-Shabaab iyo IS.
Halkan Ka DaaWo

 
Berberanews.com