Gambia (berberanews) Madaxweynaha Wadanka Gambia, Yahya Jammeh, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in dib u dejin uu u sameeyo Muslimiinta Rohingya, oo ka soo cararay dalka Burma.
Dalalka Malaysia iyo Indonesia, ayaa waxay Khamiistii balanqaadeen in muddo hal sano oo keliya, ay qaabilaad u fidinayan dadkaasi, markii wadamo aan la shaacin ay aqbaleen in mudadaasi ay dib u dejin ugu samayn doonaan.
Madaxweynaha Gambia, ayaa qoraal ku sheegay in Muslimiinta dhibaatada kala kulmaysa dadka aan Muslimka ahayn ee Burma u dhashay, ay ku soo dhaweynayaan dalka Afrikada Galbeed ku yaala.
Madaxweynaha, ayaa cadeeyay in dalkiisu uu qaatay go’aanka ah in loo gurmado Rohingaha, xilli aynaan wax naxariis ihi ka helin dalalka dhaca Koonfur Bari Qaaradda Asia.
Indonesia iyo Malaysia, ayaa waxcay cadeeyeen inaanay qaabilaad ku meel gaar ah u fidin doonin, wax ka badan 7-da kun ee qaxootiga reer Rohingya ee xeebaha dalalkaasi gaaray.
Berbernews.com