Markab u kiraysan Baarlamaanka Somalia oo qaxoonti badan keenay Berbera

Berbera (Jam/Berberanews)- Markab u kiraysan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qaxooti badan ka soo dejiyey dekedda magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland subaxnimadii hore ee shalay, kaasoo shirguddoonka baarlamaanka Muqdisho sheegtay inuu ku bixiyey kharash badan.

 

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, markab u kiraysan oo sida qaxooti dhan 960 qof oo laba ka mid ah u dhasheen dalka Yemen, inta kalena Soomaali yihiin ayaa ku xidhay dekedda Berbera ee dalka Somaliland.

“Saaka (subaxnimadii shalay), abaare 08:30 waxaa dekedda magaalada Berbera soo gaadhay markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka-qeybqaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan.

Markabkan oo hawshiisa ay wadeen guddi uu xulay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen, siyaasiyiin iyo hoggaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, ayaa waxa uu shalay (maalintii Arbacada) ka soo ambabaxay dekedda Bureekha oo ku dhow magaalada Cadan ee dalka Yemen.Qaxootiga-yemen

Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah La-taliyaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, kana mid ah guddiga hawshan gurmadka Baarlamaanku u xilsaaray ayaa xaqiijiyey in saaka (shalay subax) markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku xidhay dekedda Berbera, isla markaana saaran yihiin 960 qaxooti Soomaali ah iyo laba qof oo Yemeniyiin ah.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa hawshan ku gacan siinaya shirkad la yidhaa ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa, waxana wejiga labaad ee dhammeystirka hawshani yahay in maalinta Sabtida ay bilowdaan diyaarado lagu soo daabuli doono dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah, kadibna in loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan inuu ka qeybqaadanayo 22 April 2015, kadib markii ay go’aamiyeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxana lacagta baarlamaanka ku deeqay hawshan gurmadka ay tahay $300,000 (saddex boqol kun oo doollar).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya dalka Yemen, isagoo si guud ugu mahad-celiyey shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeybqaadanayaan gurmadka loo sameynayo walaalahooda ka soo laabanaya Yemen, sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad-celiyey sida ay dadkan u soo dhaweeyeen,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Warfaafinta Shirguddoonka Baaralaamka Soomaaliya shalay.

Dhinaca kale, Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saaxil oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay maamul ahaan ka shaqayn doonaan daryeelka qaxootiga, isla markaana geyn doonaan goobo loogu talogalay oo loogu diyaariyey biyo, cunto iyo hoy, kadibna loo gudbin doono degaannada dalka Soomaaliya ee ay ka soo jeedaan, isagoo xaqiijiyey in aanay dawladda Soomaaliya xukumin dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Cidda iska sheegaynaya inay xukumaan Somaliland waxa aan leeyahay waxba cid idinka dhegaysan mayso, iyaga ayaa ah haad geed waayey, halkanna waxa la yidhaa Somaliland, cid aan dawladda Somaliland ahayn oo ka talisaana ma jirto, waxaanan leenahay horta idinku wax noqda markaas ayaad cid kale sheegan kartaane,” ayuu yidhi Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Saaxil.

Waxa kaloo uu xaqiijiyey in shan qof oo la socday markabka siday dadka qaxootiga ah oo xannuunsanayey ay si degdeg ah u gaadhsiiyeen cusbitaallada magaalada Berbera si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaannu xusay inay dadkaas u fidinayaan gargaar, kuna samaynayaan baadhitaan la xidhiidha dhinaca ammaanka.

“Dadkan qaxootiga ah ee ka soo qaxay dalka Yemen waxay u badan yihiin reer Soomaaliya, wayna badan yihiin oo waannu kala hagaajinaynaa, waanan iska hubsanaynaa ammaankooda iyo nidaamkoodaba, waxaanan doonaynaa inay si nidaam ah oo wanaagsan nooga baxaan,” ayuu yidhi Eng. Xoorxoor.

Maayirka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), ayaa isaguna sheegay in dhammaanba dadka qaxootiga ah u aqoonsan yihiin ajnabi, isla markaana ula dhaqmi doonaan si banni’aadanimo leh, qof kasta oo ka mid ahna la siin doono ambabax uu ku gaadho degaannada dalka Soomaaliya ee uu asal ahaan ka soo jeedo.

xigasho jamhuuriya