Hargeysa (berberanews)- Madaxa Isgaadhsiinta Adeegyada Caafimaadka aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mr. Maxamed Faarax Axmed, ayaa jawaab ka bixiyey cabasho ka soo yeedhay arday wax ka barata Mac-hadka culuumta caafimaadka ee Hargeysa.
Qoraal Mr. Maxamed Faarax Axmed soo saaray maanta oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Anigoo ku hadlaya Magaca Wasaaradda Caafimaaka, isla markaana tix-raacaya cabasho ku soo baxaday bogga hore ee wargeyska madaxabannaan ee Foore, caddadkiisii 707aad, kuna taariikhaysnaa 21/5/2015, kaasoo ciwaankiisu ahaa ‘Arday galaasyadii ay dhiganayeen laga qufulay oo maamul-xumo ku eedeeyey Mac-hadka caafimaadka Hargeysa Nursing.’
Horta muddo haatan laga joogo in ka badan 15 sanno, Dugsiga Culuunta Caafimaadka Hargeysa ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu soo saaray 6 dufacadood oo bartay xirfada kal-kaaliyayaasha caafimaadka, kuwaas oo dhammaantood ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee ka hawlgala goobaha adeegyada caafimaadka, sida cusbitaalada iyo xannaanooyinka hooyada iyo dhalaanka.
Mac-hadka Culuunta Caafimaadku waa mid ku shaqeeya siyaasadda waxbarashada culuunta caafimaadka ee u dajisan Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo si hufan u guta waajibaadkooda shaqo, isla markaana soo saara kal-kaaliyayaal caafimaad oo xirfadooda aqooneed sareyso, kuwaasoo qayb mug leh ka qaata hawlaha adeegyada caafimaad ee la gaadhsiinaayo bulshada Somaliland.
Haddaba, qaybtan barashada culuunta shaybaadhka caafimaadku waxay ahayd difacadii ugu horeysay oo ka koobnayd 11 hablood iyo 10 wiil, kuwaasoo waxbarashadoodii soo watay muddo 2 sanno ah, isla markaana uu Focal Point u ahaa Mr. Ducaale Ali Daahir oo hadda ku maqan dalka Qadar iyo lix macalin oo kale.
Sidaas darteed, waxa aannu halkan kaga fal-celinaynaa in aanay jirin haba yaraatee in macalimiintaas gacan-saar la leeyihiin wax hay’ad ah, mana jirto wax gunno-lacageed ah oo laga cunay sida ardaydu ku dooday, balse waxay ahayd in haddii uu jiro saluug dhinaca macalimiinta iyo tayada waxbarashadoodu inay sheegaan sida wax u jiraan oo qudha, laakiinse, waxa ay ku kaceen af-lagaado masuuliyadeed oo ka baxsan dhinaca akhlaaqda iyo anshaxa xirfadlayaasha caafimaadku leeyihiin, waxaannu qoraalkaasi ahaa cay iyo aflagaado masuuliyadeed.
Nasiib-darro waxa aad moodaa in ay arrintan ahayd mid ay ku degdegeen, sababtoo ah maadaama masuulkii ugu sareeyey Wasaaradda Caafimaadka oo ah Dr. Saleebaan Ciise Axmed uu wakhtigan ku maqan yahay hawlo shaqo oo dalka dibadiisa ah, kaasoo tamar iyo dedaal badan galiyey taabo-galinta iyo kor-u-qaadida xirfadlayaasha caafimaadka ee ka soo baxa mac-hadyada culuunta caafimaadka gobolada Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood, ee Wasaaradda Caafimaadka, isla markaana maalmo ka hor cabashadooda u xil-saaray gudida caafimaadka Gobolka Maroodijeex,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Faarax Axmed.