36 milyan oo qof ayaa isu diwanagalisay codbixinta doorashada qaran ee Itoobiya

Bbc-(Berberanews)-Ol’olaha codbixinta doorashada qaran ee Itoobiya ayaa la soo gabgabeeyay. Ugu yaraan 36 milyan oo qof ayaa isu diwanagalisay codbixinta.

Xisbiga talada haya ee EPRDF, ayaa lagu wadaa in uu mar kale doorashada ku guulaysto.

Gobalka Soomaalida Itoobiya, waxaa ka diiwaangashan ku dhawaad seddax milyan oo qof sida uu BBC-da u sheegay Madaxa guddiga doorashada ee Deegaanka Soomaalida, Maxamuud Abiib Cabdi.itobiya

Inkastoo ololayntu ay dhamaatay haddana meela kamid ah gobalka wali waa ay ka socotaa. Weriyaha BBC-da Cabdrisaaq Xaaji Catoosh oo ku sugan Qabribayax oo ku taala duleedka Jigjiga waxa uu sheegay in uu wali saansaan olole uu ka muquda magaalooyinkii goabalka ee uu maray.

Waddamada reer galbeedka goobjoogayaal uma aysan soo dirin doorashada, balse goobjoogayaal ka socda Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin diyaargarowga doorashada.