Hargeysa (berberanews) Gogoshii wadahadalka ee ay Xukuumadda Somaliland u fidisay Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa galabta ka qabsoomay wareegiisi labaad Magaalada Hargaysa Huteelka Ambassador,
shirkan labaad oo muddo saacado ah u socday Axsaabta Mucaaridka ah iyo Xukuumadda oo uu Xisbiga KULMIYE ku lamaan yahay, waxa uu soo afmeermay saladii makhrib, iyadoo markale loo ballamay maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 25.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo isagu shir guddoominaayay kulanka ayaa war murtiyadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in laysku soo noqon doono maalinta Isniinta ah haddii alle idmo.
Wadahadalkan loo ballamay maqlinta Isniinta ayaa la filayaa in laga soo saaro xal toogan oo lagu qorsheeyo Qabsoomida Doorashooyinka dalka ku soo fool leh waxii warar ah ee ka soo kordha ka la soco shabakada berberanews.
BERBERANEWS.COM