Fariimihii Email-ka ee Hilary Clinton oo la shaaciyey

US (berberanews) Waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka ayaa bilawday in ay shaaciso qeybtii ugu horaysay,

images

fariimihii ay Hilary Clinton ka dirtay emaikeeda gaarka ah sanadii 2012-kii, kaddib markii uu dhacay weerarkii Bengazi ee Libya, weerarkaas oo lagu dilay safiirkii Maraykanka iyo saddax sarkaal oo kale.

Hilary Clinton ayaa wakhtigaasi waxa ay ahayd xoghayaha arrimaha dibeda maraykanka, baaritaan weerarkaasi lagu sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in Clinton ay isticmaalaysay emailkeeda gaarka ah oo aanay isticmaalin keedii shaqada ee ay ahayd in ay ka dirto fariimahaasi.

Waxa la qorsheynayaa in la shaaciyo in ka badan 50 kun oo fariimo oo ay Clinton dirtay intii u dhaxeysay 2009-kii iyo 2013-kii..

Clinton waxa lagu dhaliilay qaabkii ay wajahday xaaladda markii uu dhacay weerarkaasi.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya in loo baahanyahay in la shaaciyo dhamaan fariimaha ay dirtay Hilaray Clinton si loo cadeeyo sidii ay wax u dhaceen

Hilary Clinton ayaa shaacisay in ay doonayso in ay isu soo sharaxdo jagada madaxweynanimo ee dalka Maraykaka, doorashada la qaban doono sanadka soo socda ee 2016-ka

Waxay doonaysaa in ay hoggaanka u qabato xisbiga Demoqaraadiaga, balse weli ma cadda saamaynta ay arrintan ku yeelan karto.