ITOOBIYA: 37 Milyan Oo Kala Dooranaya 58 Xisbi Siyaasadeed Maanta

Ethoipia (berberanews) Shacabka dalka Itoobiya ayaa shalay u dareeray goobaha codbixinta doorashadii ugu horreysay tan iyo markii uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Meles Zenawi.
images
Ra’iisalwasaare Hailemariam Desalegn oo ah ninkii la wareegay xukunka dalkaasi kaddib geeridii Meles ayaa la filayaa in uu si weyn ugu guuleysto doorashada.
Xisbiga ra’iisalwasaare Desalegn ayaa xukunka dalkaasi soo hayay tan iyo sanadkii 1991.
Dhaqaalaha Itoobiya ayaa gaadhay horumar aad u weyn, waxa uuna dalkaasi ka mid noqonaya dalka Afrika ugu kobaca badan dhanka dhaqaalaha.
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Doorashadan ayna ahayn mid Xaq ah maadaama la dilay sida ay sheegeen hoggaamiye sare oo mucaaradka dalkaas ka tirsan, sidoo kalena la handaday xubnaha mucaaradka ah iyo wariyeyaasha.
 
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemarian Desalegn ayaa hadal uu jeediyay shalay ku sheegay inuu xoogga saarayo horumarinta dhaqaalaha Itoobiya iyo sidii dadka dalkaas ay ku heli lahaayeen shaqooyin, haddii doorashada uu ku guuleysto “Haddii EPRDF dib loo doorto, shaqo adag ayaan qaban doonnaa… waxaana ka shaqeyn doonnaa xoojinta awoodda Dhallinyarada Dalkeenna,” ayuu Desaleng ku yidhi Hadalkiisa. Isagoo intaas raaciyay, inay xoogga saari doonaan Horumarinta Wax-soo-saarka Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga.
 
Doorashooyinka Dalka Itoobiya ayaa Waxaa ku Tartamaya 58 xisbiyo Siyaasadeed ah oo doonaya inay ka mid noqdaan 547 kursi ee uu Baarlamaanka Itoobiya ka kooban yahay, iyadoo xisbigii ku guuleysta aqlabiyadda baarlamaanka uu dalkaas mar kale hoggaanka u qaban doono.
 
images (1)Doorashada-Itoobiyaimages
Berberanews.com