Hargeysa(berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axamed Maxamed Maxamuud Siilanyo Ayaa Waxaa Uu Digreeto Uu Madaxweyne Ku Magacaabey Wakiilka Somaliland Ee Dalka Ethiopia
Madaxweynaha Ayaa Waxaa Uu safiirka Dalka Ethiopia Ee Somaliland U Magacaabey In Uu Noqdo Mudane Aaden Jaamac Galaal
Waxana War-Saxafadeed Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweynuhu Uu U Dhiganaa Sidan .
War-Saxafadeed
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.
ALLAA MAHAD LEH