Hargeysa(berberanews):- Wada hadalkii maanta Isniin ah u furmayey xukuumadda iyo KULMIYE oo isku dhinac ah iyo labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa mar kale dib u dhacay, Kadib markii uu Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo isagu gogosha dhigay uu hawl yeeshay.
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa maanta sheegay inuu Xisbigoodu ogol-yahay dib-u-dhaca ku yimi kulankii maanta,
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) , ayaa waxa uu yidhi“Waxaad ka war qabteen inuu socday wada hadal ah gogol madaxweynuhu fidiyey oo lagaga wada hadlayey khilaafkii ka dhashay go’aankii golaha Guurtidu gaadhay ee ahaa muddo kordhinta aan laysla ogolayn, anaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin waxaanu ogolaanay inaanu gogosha nimaadno, waxaanay bilaabantay 20-kii May, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu jirin laakiin anaga oo eegayna danta Somaliland badbaadinteeda iyo inuu heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxaanan isla qaadanay in la raadiyo xal siyaasiya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafkaas.”
Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku dooday inaanay ilaa imika jirin wax xal laga gaadhay, waxaanu yidhi “Sabtidii ayaanu isku soo noqonay wax xal ah kamuu iman dhinaca xukuumada iyo xisbiyada KULMIYE waxaanay u eekayd in maalintii gogosha la dhigayey inay gogosha laabeen sababta oo ah gogol ayey yidhaahdeen waanu dhignay waxaanay yidhaahdeen go’aanka khilaafka dhaliyey waa lama taabtaan, waxaanu ku kala tagnay inaanu maalin kale siino oo isniinta laysku soo noqdo,hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka oo dhex dhexaadinayey sadexda xisbiga Qaran (KULMIYE, UCID iyo WADDANI)oo hawlna ku jira waxa uu naga codsaday in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo berina la siiyo.”
“Markaanu ka doodnay dood dheer si dimuqraadi ah xisbiga WADDANI iyo xisbiyada mucaaridka ahba waxaanu qaadanay anaga oo madaxweyne ku xigeenka ku xurmaynayna hawsha uu ku jiro uguna ducaynayna inuu natiijo keeno oo aanan wax badan ka filayn, waxaanu shacabka u caddaynaynaa inaanu sadexdda fursadood ee aanu bixinay in xal la gaadho waxaanan is leenahay fursad Afaraad ma jiri karto,waxaanad noogu ducaysaan inay xal la yimaadaan, gogoshiina waanu ku fadhinaa kamaanaan kicin, laakiin hadii xal iman waayo waxay ila tahay gogosha iyaga ayaa laalaabayaa.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Hadalkan ayaa ku soo beegmay, kadib markii Wada hadalkii shalay u furmay xukuumadda iyo KULMIYE oo isku dhinac ah iyo labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa mar kale ku dhammaaday natiijo la’aan, ka dib markii ay dhinacyadu is afgarad buuxa ka gaadhi kari waayeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhintii golaha guurtida.
Dalka Ingiriiska waxa qofka sabool lagu tiriyaa haddii 60% uu ka hooseeyo dakhliga dhexdhexaadka ah oo ah inuu £264 gini helaan lammaanaha aan ubadka lahayn sida lagu saleeyey maaliyad-sannadeedkii Britain ee 2012 ilaa 2013kii.
Dhibaatooyin shaqsi ayaa ka mid ah waxyaabaha saboolnimada u keena bulshada ku dhaqan dalka Ingiriiska. Tusaale ahaan; haddii lammaanuhu is furaan amma qofku shaqada waayo, taasoo ku keenta inuu noqdo ruux sabool ah.
Berberanews.com