Kenya oo khasaare culus gaadhsiisay Al-shabaab

Hargeysa-(Berberanews)Afhayeenka Ciidanka Al-shabaab Sh. Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraro kala duwan oo ciidankoodu khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidanka Kenya gudaha dalkaa, gaar ahaan Deegaanka Yunbi ee Magaalada Gaarisa.
Abu Muscab, wuxuu sheegay in Miino loo dhigay wadada Duleedka Gaarisa ay la kacday gaadhi ay saarnaayeen ciidanka Kenya, taas oo sida uu sheegay sababtay khasaare balaadhan, isla markaana askartii la socotay gaadhigaa wixii ka badbaaday baxsadeen, balse sida uu sheegay Afar gaadhi oo usoo gurmaday oo Booliska Kenya ah ay goobtaa ku gubeen kadib markii ay Ciidankoodu jilbaha u dhigteen, taas oo sida uu sheegay sababtay khasaare balaadhan oo gaadhay Ciidanka Kenya, isagoo xusay in Afarta gaadhi ee gurmadka ahaa iyo gaadhiga markii hore Miinadu la kacday goobta lagu gubay oo ciidankoodu dul istaageen maydadka ilaa 40 isugu jira Askar iyo Saraakiil Ciidanka Kenya ah oo goobtaa ku dhintay, isla markaana wixii hub iyo saanad ay siteen Ciidanka Kenya ay la wareegeen Ciidankooda Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ay Ciidamada Kenya kasoo saareen sheegashada weerarka Al-shabaab, balse marar baddan ayay Al-shabaab weeraro sidan oo kale uga fulisay gudaha Kenya, kuwaas si weyn u dhaacay amaanka dalka Kenya.