Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Tiro Koobka Somalia dhulka S.land ku Sheegatay

Hargeysa (Berberanews) Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ganafka ku dhuftay qiyaasta dadka Somaliland ku jirto ee lagu soo bandhigay Somalia.
TIROKOB
Wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in sahankaasi yahay mid aan khusayn bulshada Somaliland ku nool, isagoo sheegay in gol-daloolooyin ku jiraan islamarkaana markii la samaynayay ay u haysteen mid Somaliland u gaar ah balse hadda aanay ogolayn qiyaastaasi.
 
 
Wasiirku waxa uu sheegay in tiro koobka ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorshaynta Somalia inay iyaga ku kooban tahay oo kaliya, balse ka duwan tahay ta laga samayey deegaanada Somaliland oo Xogteeda ay gacanta ku hayso wasaradda Qorshaynta somaliland. .
HALKAN KA DAAWO

Berberanews.com