Al Qacida oo Sheegtay in ay ku Sii Jeedaan Magaalada Dimishiq ee Caasimada Syriya

Suriya(berberanews) Xoogaga Al Qacida ee Siiriya ee Al Nusra ayaa gebi ahaan la wareegay gobalka Idlib ee waqooyiga-galbeed dalka Siiriya.
download
Ciidamada Dowlada Bashar Al Assad ayaa Maalintii khamiistii  laga saaray magaaladii ugu danbeysay ee Ariha ee gobalkaasi Idlib oo ah gobal istaraatiiji ah.
Gobalka Idlib ayaa xaduuda la wadaaga dalka Turkiga iyo waliba gobalka Latakiya ee Siiriya oo ah halka ay kasoo jeedaan asal ahaan qoyska reer Assad.
Tan iyo Bishii Maarso ayaa jamhadda al-Nusra ay sheeganaaysey in ay awood ku yeelatey gobolka Idlib, isla markaana ay gacanta sare leedahay.
Haoggaamiyha al-Nusra Ayman al-Zawahiri, ayaa BBC u sheegey in qorshahoodu uu yahay sidii ay Bashar Asad dalka uga xoreyn lahaayeen, ilsa markaana aysan wax dan ah ka lahayn reer Galbeedka, waxaana uu u digey dadka Calawiyiinta ah in ay taageeraan Xukuumadda Asad, markaasna ay amaan kala helayaan.
 
Berberanews.com