Madaxweynaha Nigeria Oo Qaabilay Madaxweyne Xassan Sheekh

Nigeria(berberanews)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria madaxweynaha cusub ee dalkaas, Muhammadu Buhari.
20155306356855585927747573
Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada wadan iyadoo madax-weynaha Somalia uu warbixin ka siiyay dhiggiisa xaaladda guud ee Somalia gaar ahaan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.
“Dowladaha Soomaaliya iyo Nijeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah kooxaha Al-shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda’a iyo ficillada xun-xun ee ka fog bani’aadamnimadda, labada dowladood arrimaas way iska kaashan doonaan,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
 
Ugu dambeyn, Xasan Sheikh ayaa xusay in madaxweyne Buhari uu booqsho ku imaan doono Somalia si loo joogteeyo iskaashiga labadda dal u dhexeeya, laakiinse ma uusan sheegin xilliga ay booqashadan noqonayso.