Masar (berberanews) Dawlada Masar ayaa bilowday in ay burburiso xaruntii hore ee xisbigii uu hogaamin jirey madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubarak.
Xaruntan oo ku taal magaalada Qahira meel ku dhow fagaaraha xoriyada ayaa hore loo gubay sanadkii 2011 xilligaas oo ahayd markii uu bilowday kacdoonkii xukunka loogaga tuuray Xusni Mubarak.
Shaqaalaha burburinaya xaruntan ayaa sidoo kale waxa ay jajabiyeen xafiisyo ku dhowaa xaruntan oo xilli ahaa meel siyaasada dalka Masar laga maamuli jirey.
Dawlada Masar ayaa ansixisay duminta dhismahan bishii April waxayna sheegtay in dhulka uu ku fadhiyay xarunta la siinayo madxafka qaranka dalka Masar.
Xisbigii Mubarak ee National Democratic Party(NDP) ayaa la kala direy bishii April 2011 hantidii uu lahaa oo ay ka mid tahay xarun ku tiil wabiga Nile ayaa lala wareegay.
Mubarak ayaa maxkamad ku taal magaalada Qahira ku xukuntay saddex sano oo xarig ah dambiyo la xiriira musuqmaasuq horaantii bishan. Waxana uu hogaamiyihii hore ee dalka Masar haatan ku jiraa isbitaalka Milatariga ee Maadi oo ku yaal magaalada Qahi
Labada wiil ee Xusni Mubarak ayaa lagu xukumay xabsi gaaraya afar sano dambi la mid ah kan aabahood, waxaana eeda loo haysto ay ahayd lacag ku baxday dayactir lagu sameynayay madaxtoyada dalka Masar taasoo la sheegay in si qaldan ay u isticmaaleen reer Mubarak.