Madaxda Laamaha Dawladda Ee Awdal Oo Amaanka iyo Ilaalinta Hantida Bulshada Ka Wada Hadlay+Walaaca Ramaax Ee Dhanka Ambalaaska

Boorama(Berberanews)June-01-2015-Madaxda gobolka Awdal iyo Isuduwayaasha  hay’addaha dawladda ayaa kulan ay yeesheen kaga hadlay horumarinta Gobolka Awdal. Kulanka ka dib ayuu Badhasaabka Awdal saxaafadda la hadlay waxaanu walaac ka muujiyay tirada Ambalaasyada gobolka jooga oo aad u yar.
71611e488a20e7e41b7b5b9367f61cc6_M
Mudane Maxamuud Cali  Saleeban  Ramaax, ayaa sharaxay arrimaha ay ka wada tashanayeen  masuuliyiinta laamaha dawladda “Waxaanu iskugu nimid masuuliyiinta gobolka iyo isuduwayaasha wasaaraddaha dawladda, waxaanu kagaga wada hadalnay arrimo dhawr ah oo ay lambar kow tahay xoojinta nabad galyada, ilaalinta hantida umadda, daba galka iyo kawada shaqaynta mashaariicda ka socota gobolka iyo wixii gobolka u soo kordhay oo ay kolay tahay inaynu isla socodsiinno” ayuu yidhi Mr Ramaax.
 
Waxa uu Badhasaabka Awdal sheegay in gobolka Awdal oo dhul buuralay ah ku yaalaa ka liito dhinaca Ambalaasyada “Waxaan gobolka u so helay 2 Ambalaas oo aanu khamiista ku wareejin doono Wasaaradda Caafimaadka. Runtii gaadiidka Ambalaasku wuu nagu yaraa intana naguma filla ee meelo badan ayaanu uga baahannahay hadday tahay degmooyinka iyo hadday tahay Caasimada gobolkaba, waxaanu runtii u baahannahay dhawr ambalaas maadaama gobolku buuralay iyo xeeb u badan yahay oo degma walba loo baahan yahay inuu hal ambalaas joogo laakiin ilaa hadda waxaanu soo helay waa labadaas xabbo” ayuu yidhi Mr Ramaax.
 
Gobolka Awdal ayaa bilihii u dambeeyay dhinaca amaanka laga dayrinayay kadib markii Koox Suldaan Wabar samaystay galeen Buuraha Xuduudka, balse haatan in muddo ah lagama soo sheegin wax rabash ah oo ay sameeyeen
 
Berberanews.com