Xildhibaan Baarlamaanka Kenya Ka Tirsan Oo Xukumadda Ugu Baaqay In Talaabo Laga Qaado Askar Soomaali Si Arxan Darro Ah U Jidh Dishay

Garisa(berberanews) Cabdiqaadir Cumar Aadan, oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa dawladda Kenya ugu baaqay in talaabo laga qaado Askar muuqaal laga duubay iyagoo si arxan darro ah u garaacaya dad Soomaali ah oo ay Beerka u jiifiyeen islamarkaana dusha ka garaacayeen.
ggg
Arrintan ayaa ka dhacday Meel u dhaw degaanka Garissa ee waqooyi bari Kenya, halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay AL-shabaab weeraro ka fulisay. Dadkan oo meel duur ah lagu garaacayo ayaa la soo bandhigay iyadoo saxaafadduna baahisay.
 
Xildhibaanka ayaa sheegay in bulshada uu metelaa hore ugu war galin jirtay tacadiyo ay Ciidamada Kenya kala kulmaan balse dhacdadani shaaca ka qaaday “Runtii arrintani waxay noqotay waxyaale hore u qarsoonaa oo Booliska u qarsoonaa oo dadweynuhu ka caban jireen balse hadda caddaatay” ayuu yidhi Xildhibaanka oo BBC-da la hadlay.
hhh
Xildhibaan Cabdiqaadir Aadan Cumar, ayaa sheegay inay madaxda Booliska kala hadleen arrintan kuna khasbeen in talaabo laga qaado. Waxa uu sheegay in madaxda boolisku balan ku qaaday in talaabo cad laga qaadi doono Nimanka booliska ah ee Muuqaalka ka muuqda islamarkaana la anshax marin doono, lana taagi doono Maxakamad.
 
“Intaas kagama hadhayno ilaa aan hubsano nimankaas iyaga ah oo magacyadooda la wada yaqaano oo Sawirradooda la hayo oo dhamaan wixii la aqoonsaday ee Askar sawirkaas ku jirta inaan hubsano in la keeno maxakamad oo dabiyada ah Cadaabitaanka ama jidh dilka ah lagu qaado” ayuu yidhi Mudanuhu.