Dawladda Turkiga Oo Hirgalisay Aroos Wadareed 2000 Oo Lamaane Falastiiniiin Ahi Isku Guursadeen. SAWIRRO

Gaza (berberanews) Hay’adda Iskaashiga iyo xidhiidhinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Diinta u qaabilsan Turkiga, ayaa maalgalisay Aroos wadareed loo sameeyay laba kun(2000) oo Lamaane Falastiiniyiin ah.
2
Munaasibadda Caruus Wadareedka ah oo ay agaasinta Hay’adda TIKA oo kaashanaysa Ururka Xamaas ayaa Axaddii lagu qabtay magaalada Qassa, waxaana munaasibadda hadheeyay jacaylka ay Bulshada reer Falastiin u hayso Turkiga, iyadoo calamada labada wadan la lulayay.
Dawladda Turkiga ayaa Qoysaskan ku bixinaysa lacag Afar Milyan gaadhaysa oo taageero ah, taas oo qoys walba helayo $2,000 Dollar, sidoo kalena waxaa loo dhisayaa qoysaskan 20 Goobood oo ah guryo ay degaan.
11350684_870914016310807_2215991830281873902_n
Gudoomiye xigeenka Ururka Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniyah, ayaa Dawladda Turkiga uga mahadceliyay qoysaskan ay kafaalo qaaday Arooskooda iyo taageerada dheeraadka ah ee ay u fidiso Shacabka Falastiin “Waxaanu uga mahadcelinaynaa Bulshada Turkiga taageeradooda deeqsinimada leh ee ay siinayaan Bulshada Falastiin” ayuu yidhi Ismaaciil Haniyah.
5
Ismaaciil Haniyah waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya Bulshada Turkiga iyo Falastiin, isagoo sidoo kalena sheegay inay u furan yihiin cid kasta oo danaynaysa inay xidhiidh la yeeshaan Falastiin.
 
Berberanews,com