Ethoapia (berberanews) Wararka ka imanaya Nairobi ayaa tibaaxaya in laba masuul oo ka mid ah madaxda ONLF, oo horey Kenya looga afduubay, dib loogu soo celiyey caasimada dalkaas. Sulub Cabdi Axmad iyo Cali Xuseen(Cali Dheere) ayaa maanta dib ugu soo laabatay Nairobi.
Masuuliyiintan oo afduubkoodu dhaliyey warar is khilaafsan ayaa aakhirkii la ogaaday in ay ku jireen gacanta Itoobiya, inkastoo dawlada Addis Ababa ayna waligeed qiran afduubka masuulyiinta.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa shiniilenews.com oo xaqiijiyey in Sulub iyo Cali-dheere soo gaadheen Kenya iyaga oo badqaba.
Lama garan karo sababta keentay in masuuliyiinta xoriyadooda dib loogu soo celiyo, balse talaabada ayaa loo arkaa mid dardar galin karta wadahadalada ONLF iyo Itoobiya oo cakiran.
Ururka ONLF ayaa kalhore ku eedeyey Itoobiya in ay ka dambeeyso afduubka saraakiisha oo ONLF tilmaantay in ay Nairobi u joogeen arrimaha wadhadalka. Jabhada ayaa codsatay sii deyntooda iyada oo xilayada qaarkood shuruud kaga dhigtay in wadaxaajoodku sii socda.
ONLF ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ay soo bandhigto war-murtiyeed ku aadan soo deynta saraakiisheeda. Sulub Cabdi Iyo Cali Xuseen ayaa xubno ka ah gudida fulinta iyo gollaha dhaxe ONLF.
Sii deynta saraakiisha ayaa ku soo beegantay wakhti xisbiga EPRDF ku guuleystay doorashada dalka dhawaan ka dhacaday iyada oo natiijooyinka hordhaca ahi cadeeyeen in xisbiga iyo xulafadiisu heleen 442 kursi.
Waxaa xusid mudan, in ONLF sheegtay in ay sii wadeyso wadahadalada ay kula jirto Itoobiya kadib markii war-murtiyeed laga soo saaray shirar joogto ah oo ururku yeeshay dhawr todobaad ka hor
Berberanews.com